DHAGEYSO:-Dowladda Oo Qabatay Eedeysanayaal Gabar Ardayad Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho

0

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kamid ah kuwii geystay dilka gabadh ardayad ahayd oo shalay rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad 9 sano jir ah, islamarkaana dhiganeysay fasalka 9aad ee dugsiga Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho ayaa shalay u geeriyootay rasaas ay rideen askar ka tirsan dowladda xilli wadada ay ahayd mid aad u mashquul badan.