Akhriso:-Qarax dhacay Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya degaanka Lambar 60 ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo marayay degaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qarax lala beegsaday ciidamo militari ah oo la sheegay in ay ka soo ambabaxeen Magaalada marko, islamarkaana ay ku sii jeedeen saldhiga AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Lambar 50 ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Inta la xaqiijiayay 4 askari iyo saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxa halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

War ay baahisay idaacad Ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku Sheegteen masuuliyada qaraxa lagu dilay saraakiil ay ka mid yihiin Kabtan Cali Dhuux iyo Laba Xidigle Cabdulle oo kawada tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Xooga, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxa ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose ee lala beegsaday Ciidamada Militariga Soomaaliya.