Akhriso:-Dagaal ka socda Degaanka Dacdheer

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Dacdheer ee Gobalka galgaduud gaar ahaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo itoobiya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed uu saaka ka soconayo degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta gudaha u Sheegay in saakay uu qarxay dagaalka, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac uu jiro ,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa hada ku wajahan Degaanka Dacdheer oo ay ku dagaalamayaan labo maleeshiyo Beeleed.

Dhawaan ayay aheyd markii Degaanka Dacdheer ay ku dagaalameen beelo wada dega degaankaasi, iyadoona Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay