TOP NEWS:-Guddonka Golaha shacabka oo Guddiyada Amniga iyo difaaca amray in ay warbixin ka keenaan amaanka dalka

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaa ayaa Guddiyada difaaca  iyo amniga gdaha ee Golaha shacabka Soomaaliya ku amray in ay Golaha horkeenaan warbixin ku saabsan amaanka dalka.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii maanta la soo gaba qabeeyay dood ku saabsaneyd amaanka Muqdisho oo ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay lahaayeen Golaha shacabka Soomaaliya.

50 Xildhibaan oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay khudbado amaanka ku saabsanaa ka jeediyay Golaha shacabka ayaa eedeyn dusha uga tuuray Xukuumadda Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Xubno ka mid ah Labada Guddi ee maanta loo diray Warbixinta oo ka mid ahaa kuwii khudbadaha ka qeybqaatay ayaa Guddoonka laftiisa ku dhaliilay in isaga oo aan iyaga weydiin warbixinnada ay hayaan uu goluhu u fasaxay in ay ka hadlaan amaanka Muqdisho.