Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay askari dil ka geystay Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askarigii ka dambeeyay dilka Deeqo Daahir Faarax oo aheyd gabar 9 jir ah oo shalay duhurkii lagu dilay Muqdisho, xilli ay saarneyd gaariga baska Iskuulkii ay dhiganaysay ee Hoyga Xamar.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay soo qabashada ninkan iyo laba askari oo la socotay inay ka dambeysay kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada booliska.

Xarunta dambi baarista ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa la geeyay, si baaris loogu sameeyo, ehelada gabadha yar ee la dilay ayaa u mahadceliyay dowladda federaalka gaar ahaan ciidamada booliska ee ninkan soo qabtay.

Allaha u naxariistee Deeqo Daahir Faarax ayaa dhiganeysay fasalka Koowaad, waxayna aheyd gabar yar oo aad u jecel waxbarashada, islamarkaana ku hanweyneyd inay mustaqbal wanaagsan yeelato, sida ay inoo sheegeen waalidiinteeda.

Dhalinyarada baraha bulshada isticmaala ayaa tan iyo shalay dilka kadib waxa ay baraha bulshada ku soo qorayeen ereyo ay dowladda kaga dalbanayeen in gacanta lagu soo dhigo askariga dilay Deeqo, taasi ayaana soo da dejisay in la soo qabto gacan ku dhiiglaha.