Xildhibaanada Galmudug ee Dhuusarameeb oo xilkii ka qaaday Maxamed Xaashi Carabey

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qeybtooda fadhiya Dhuusamareeb ayaa goor dhow ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

Xil ka qaadistan ayaa qeyb ka ah, tallaabooyin iska soo horjeeda oo ay kala qaadayeen Xildhibaanada Galmudug ee ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Illaa 140 Xildhibaan ayaa u codeeyay mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne kuxigeenkii Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, kaddib mooshin doodiisa socotay 3 maalin.

Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan Cadaado ayaa sheegay in xil ka qaadistaan aysan waxba ka jirin, isla markaana ay tahay arrin baal marsan sharciga.

Horay Xildhibaanada Dhuusamareeb ku sugan waxay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Hase ahaatee waxaa Xildhibaanada ku sugan Cadaado ee taageersan Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Carabey ay ku jawaabeen xil ka qaadista Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed.

Tallaabooyinkan ka socda Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa muujinaya mid fowdo ah oo uu mar kale Maamulka Galmudug lugaha la galay xaalad qas iyo jahwareer ah.