TOP NEWS:- Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay Gobolka Gedo

0

Waxaa Faah faahin ka soo baxaysaa dagaal ka dhacay deegaan 60KM u jira degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kaddib markii ciidanka daraawiishta Jubbaland ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland Jamaal Xasan Farey oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in ciidankooda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Taliyaha ayaa sheegay inay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Al-Shabaab ka waday inta u dhaxeysa Doolow iyo Beledxaawo, sidaasna ciidankooda ay weerar ugu qaadeen.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dagaalka ku dileen illaa 11 dagaalame, isla markaana ku gubeen gaadiid dagaal, sidoo kale waxaa uu xusay in dhankooda dagaalka uga dhimatay shan askari, halka 7 kalena oo Sarkaal uu ku jiro uu ku dhaawacmay.

Isku soo wada duuboo Falaagada Argagixisada ah e Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in 10 askari ku dileen dagaalka, isla markaana uu ku jiro Taliye Sare.