TOP NEWS:- Mas’uul ka tirsanaa Somaliland oo lagu dilay Gobolka Togdheer.

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qori Lugud ee Gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in Nin ku hubeysan Toorey uu ku dilay Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhulka ee Somaliland Somaliland Eng. Axmed Cawil Daryeel.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Isu duwaha uu howlo shaqo ka waday deegaanka Qori Lugud iyo deegaano u dhow, waxaana muran ka dhashay dhul laga qodayay deegaanka la sheegay in loo dilay.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadigoob ugu jira ninkii dilka ka dambeeyay waxaana socda howlgalo.

Isku soo wada duuboo Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan dilka Mas’uulkan loo geystay.