Maleeshiyada Al-Shabaab oo qarka u saaran in ay gacanta ku dhigaan degmo ka tirsan Kenya

0

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhibaatooyin baahsan ka wada qeybo kamid ah magaalada Garissa ee xarunta Waqooyi Bari dalka Kenya.

Maleeshiyada ayaa lasoo sheegayaa in halkaa ay ka geystan dilal fool-ka-fool ah, dhac iyo afduub joogta ah oo ay ku hayan Soomaalida iyo Kenyaanka ku sugan magaalada Garissa.

Guddoomiyaha magaalada Garissa Cali Qorane oo Warbaahinta kula hadlayay magaaladaasi ayaa sheegay inay sii kordheyso cabsida ay ka qabaan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay maamusho qeybo kamid ah magaalada iyo guud ahaan dhulka Soomaalida Kenya.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay si gaara u beegsadan dadka Keenyanka ah, waxa uuna carab dhabay in talaabadaasi ay tahay mid Al-Shabaab ay ku dooneyso inay ku dhex noolaato Soomaalida.

Guddoomiye Cali Qorane, waxa uu tusaale usoo qaatay amni darada ka jirta deegaanada Soomaalida inay adag tahay in mas’uul ama muwadain Kenyaan dhab ah ay adag tahay inay ku dhex nagaadan dhulka Soomaalida, halka goobaha kale ay ku qabaan nabad iyo amni buuxa.

Waxa uu sheegay inay ka warhayaan deegaano dhowr ah oo xiliyada habbeenkii ay ka dhacan falal amni darro oo ay geystan Al-Shabaab waxa uuna cadeeyay in arrinka ceynkasi ah uu cabsi galiyay.

Ciidamada ayuu sheegay inaysan ku sugneyn meel waliba hase yeeshee ay muhiim tahay in laga shaqeeyo sida Al-Shabaab looga badbaadin lahaa deegaanka, maadaama ay halis kala duwan u maleegayan shacabka.

Sidoo kale, dadka deegaanka Garissa ayuu ugu baaqay inay ku dadaalan sida deegaankooda ay uga ilaashan lahaayen Al-Shabaabka ku dhex jira.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa muujinaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kusii xoogeysanayan dhulka Waqooyi Bari dalka Kenya oo inta badan ay ka dhacan weeraro toos ah.