Madaxweynayaasha Eritrea iyo Jabuuti oo ku kulmay Sucuudiga

0

Madaxweynayaasha Dalalka Eritrea iyo Jabuuti ayaa markii ugu horreysay dhowr iyo toban sano kaddib ku kulmay Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga.

Kulanka labada Madaxweyne oo ay dhex dhexaadin ka dhex waddo dowladda Sucuudiga si rasmi ah looma faah faahin wixii ka soo baxay.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Jabuuti waligeedba hormuud ka ahayd nabad wax ku raadint sidoo kalena aysan marna qorsheynin in la dego dhulka lagu muransanyahay.

Kulanka Madaxweynayaasha labada dal waxa goobjoog ka haa Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Sucuudiga Caadil al Jubeyri.

Labada dal ayaa  xiriirkooda dib u soo celiyay labo todobaad ka hor markii Wasiirrada arrimaha dibadda Eritrea,Soomaaliya iyo Itoobiya ay booqdeen dalka Jabuuti lana kulmeen Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa arri,maha dibadda.

Dowladda Jabuuti ayaa dhowr jeer dacwad ka gudbisay Dowladda Eritrea oo ay ku eedeysay in ay ka heysato dhul iyo Askar dagaal lagu qabtay.