Faah Faahin Dil Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0

Dilkan ayaa xalay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir waxaa loogu geystay mid ka mid ah Darawalada mooto bajaajta ee ka Shaqeeya Magalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa la sheegay inay geysteen rag ku labisnaa dareeska ciidanka Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ku sugnaa Gudaha suuqa degmada Kaaraan.

Qof ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Darawalka mooto bajaajta ee la dilay uu marayey inta u dhaxeysa Farmashiye Caliyaale iyo Maqaayada Barwaaqo,isla markaana Rag watay gaari Cabdi bilaha ee Ciidanka dowladda ay dileen.

Waxa uu sheegay in Ciidamadii falkaasi dilka ah geystay ay sinabad ah isaga tageen halkaasi,isla markaana ay hormareen saldhigga Booliska degmada Kaaraan.

Si kastaba dilalka loo geysanayo Darawalada Mooto bajaajta ayaa ah kuwo joogto ka noqday muqdisho,iyada oo dilkii xalay ka dhacay degmada Kaaraan aysan ka hadlin Maamulka degmadaas.