DHAGEYSO:-Nin xaaskiisa ku dilay Muqdisho

0

Nin la sheegay in madaxa looga jiro ayaa saaka xaaskiisa ku dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaanna xaafadda Sarkuus .

Ninkan ayaa waxaa uu Xaaskiisa dilkeeda u adeegsaday Baangad, Xaaska dhimatay ayaa u dhashay 5 Carruur ah.

Waxaa lagu magacaabayay Hiddaayo Fiidow, waxaana ay u dhaxday Calas Geelle Salaad,oo ah Ninka ay saaka gacantiisa ku baxday.

Cabdullahi Xuseen ayaa sheegay in Ninkan isaga oo waalan xaaska loo guuriyay,kaddibna uu caafimaaday,hase ahaatee falkan lagu arkay.

Calas ayaa sidoo kale dhaawacay labo ka mid ah Caruurtiisa,Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay Ninka dilay xaaskiisa.