Amiirka Qadar oo saxiixay heshiisyo ay kala saxiixdeen Somaliya.

0

Amiirka Dalka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani,ayaa saxiixay labo is afgarad oo horay ay u kala saxiixdeen dowladaha Qadar iyo Soomaaliya.

Saxiixa Heshiisyadan waxaa uu qeyb ka ahaa isbeddel iyo ansixin wadareed uu sameynayay Amiirka Dalka Qadar.

Dhinaca Soomaaliya waxaa saxiixaas  ka soo galay heshiis is afgarad ahaa oo Soomaaliya iyo Qadar ay kala saxiixdeen 18/3/2015kii.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ay iska kaashadaan xiriirka Dhinaca Gaadiidka Hawada ama  duullimaadka.

Hehsiiska labaad ee uu saxiixay Amiirka Qadar ee ayaa dhacay 14/5/2018kii,waxaana uu ku qotomay dhinaca caafimaadka.

Amiirka Qadar ayaa isbeddel ku sameeyay Guddiga maamula Jaamacadda guud ee Qadar,waxaa kale oo uu saxiixay heshiisyo ay horay u kala saxiideen dowladda Netherlands.

Waxaa kale oo uu saxiixay heshiisyo Qadar la gashay Ukraine, Morocco iyo Ciraaq,waxaana dhamaantood uu oggolaaday in dhaqan gal laga dhigo.