Al-Shabaab oo ka hadashay Duqeyn ay itoobiya ka fulisay Dalka

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay kaga  hadleen Duqeyn ay dowlada Itoobiya ku dishay Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxaa beeniyeen in 70 dagaalame lagu dilay duqeyn  ,islamarkaana waxaa ay sheegeen in warkaasi uu yahay mid been abuur ah.

Sidoo kale Shabaab ayaa waxaa ay tilmaameen  in diyaarado ay leeyihiin dowlada Itoobiya aysan duqeyn la beegsan,islamarkaana aan dagaalamayaaal laga dilin.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Dowlada Itoobiya ay baahisay in 70 Dagaalame oo Shabaab ah  ay ku dileen duqeyn  ka dhacay qeybo ka mid ah Soomaaliya.