SAWIRRO:-Wafdi ka socda Aqalka sare oo u ambabaxay magaalada Kismaayo.

0

Wafdi ballaaran kana socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo,halkaasi oo lagu wado iney kula kulmaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubbaland si ay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda u raadiyaan.

Wafdigan oo ka kooban toban xubnood oo ka socda Golaha Aqalka sare ayaa waxaa hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi,waxayna ku wajahan yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna Ujeedka Safarkooda uu yahay xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Dhinaca kale,Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.