QORMO:- Xirriiftinka xirfaddeysan ee doorashada Puntland 2019:

0

Xiisada siyaasadda waxaa kor u qaaday 2009kii, kadib markuu Afhayeenka Golaha Wakiiladu uu noqday siyaasi kasoo jeeda Gobolka Mudug, waxana ,taasi ay keentay in Gobolka Sanaag uu loolan adag ugalo Madaxtooyada siduu ugu guuleysan lahaa waxase difaac adag u dhigay siyaasiin kasoo jeeda Nugaal, Karkaar iyo Mudug ugu Dambeyntiina Nugaal ayaa ku guulestay kana guulestay Sanaag, loolanku wuxuu dhex maray Faroole iyo Ilka jiir.

Dib u milici Taariikheed 2009, Doorashadii Puntland ka qabsoontay wax isu soo sharraxay in ka badan sagaal musharax waxana ka xusi kara inta aan xasuusto, Allaha u naxariistee Sarreeye guuto Maxamuud Muuse Xirsi.oo markas xilku ka dhammaday, 1,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud (Faroole), 2,Nuuradiin 3,Aadan,4,Cumar Cali Farjac,5,Aadan Maxamad Ciise Gaadaale,6,Cali cabdi Awaare, 7,Eng Nuur Xasan Faarax, 8,Siciid Maxamad Raage, 9,Cabdulaahi Jamac Ilkajiir. Musharaxiinta Toddobo kamida siyaasaddoodu waxay isku xirayd si hoose.

Waqtigas xamaasada doorashadu waxay gaartay meel sare in kastoo dhanka Caasimadda Soomaaliya aysan samayn weyn ku yeelan madaama Dawladda dhexe ee Xamar fadhigeedu yahay ay ahayd mid tabar yar.

(Hannaka xil doorasho ee Dawlad Gobolleedka Puntland Soomaaliya)-

Siyaasadda Puntland ee hoggaanka sarre sida Madaxweynaha kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka waxay u qebaysan tahay hannan Qabaa’iil laakiin waa mid la qurxiyey kumana qora Dastuurka) Puntland hasayeeshe waa mid muujinaysa in Nin! kasta yaqan kursiga uu, u Tartamayo meesha uu yaal.

(Taariikh kooban xamaasadii 2009).

2009 Loolanka doorashadii 2009,ayaa waxaa xamaasad iyo xiiso u yeelay ka dib markii ay kusoo biireen doonista jagooyinka ugu sarreeya Dawlad Gobolleedka Puntland Soomaaliya (DGPS) Beelo an horey ugu tartami jirin Jagooyinka Madaxweynaha, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka’ waxay taasi keentey inay soo baxaan Beelo aan horay isku luri jirin qabashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha waxana cirka isku shareeray xiisada doorashada.

Taariikh kooban 2014).

Puntland waxaa isu soo sharaxay musharaxiin aad u badan intooda badan waxay ahayeen Murshaxiin kasoo kala jeeda Mudug Nugal iyo Karkar, waxase kursiga Madaxtooyadu uu dhexe yimid kadib markii ay Sanaag iyo Sool laga wayey musharaxiin cadcad oo u tartamaya Kursiga Madaxweynaha, waxana loolanku Fagaarah isku keenay Ra’ iisul wasaarihii hore ee Dawladdii Federalka ee kumeel gaarka ahayd Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, iyo Madaxweynihii Xilka Puntland ka dhamaaday xiligas mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole, oo kasoo kala jeeda Mudug iyo Nugaal sidookale Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa halkiisii hore ee uu kasoo guuray 2009 dib ugu noqday taaso ah Gobolka Sanag.

doorashada innagu soo fooleh ee 2019 ayaa noqon doona mid ka xiiso badan tii (2009), loolanka koowaad wuxuu ka bilaban doona Beelaha soo xulaya xldhibaannada, oo siyaasiintu culeys ku saari donaan inay soo xulan siiyaasi kasta xildhibaan tageersan.

Beelaha laftooda oo xildhbaannada ku kala loolami doona qaab Jifooyin hoosaad ah.

Dawladda dhexe ee federalka oo galangal ku yeelan doonta lagana yaabo inay faragalin hoose ku samayso soona saarto siyaasi taageersan siyaasadda Nabad iyo Nolol.

Dawladda Isutaga Imaraadka Carabta oo (Bari gantaal) u samayn doonta Madaxda hada talada Puntland haysa maadaama Dawladda Soomaaliya iyo Imaraadku xurguf siyaasaddeed ka dhexayso.

Gebgebadiina siyaasiintu waxay adeegsanayan Ninba xeeladii qeyb waxay leeyihiin waxanu soo Afjari doona waxay ku sheegeen musuqmaasuq, qeyb kale waxay leeyihiin Dimuqraadiyad ayanu hirgalin doona qeybna waxay leeyihiin Gobolka maqan ayaanu so celin doona dhammaan Qodobbadan waxay noqonayan kuwo horay loo isticmaalay.

Xaalku waa Nin iyo nasiibku looge loba joge

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud .

abdinuur02@gmail.com