Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Duceelle Geelle Xaaf ayaa Magacaabay maamulka degmada Balanbale.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka jawaabaayo Cabashadda Shacabka iyo Waxgaradka kunool degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Xaaf ayaa xilka Gudoomiyaha degmada Balanbale u ku celiyay Jaamac Xayle Maxamed oo dhawaan uu ka qaaday xilkaasi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.