WAX-BADAN OGOOW:- Maxaa kala qabsaday Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland?

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe kulan uu la yeeshay Xildhibaanada maamulkaas uu usoo bandhigay codsi in muddada uu haynayo xilka loo kordhiyo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Axmed Madoobe uu isugu yeeray Xildhibaanada sida uu wax u maamulo taageersanaa uu ka codsaday in loo sameeyo muddo kordhin xiliga xilka uu heynayo.

Markii uu Axmed Madoobe soo bandhigay codsigiisa, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa arrintaas ka dooday waxaana kasoo baxay go’aan diidmo ah.

Baarlamaanka ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inaysan socon karin waqti kororsi isla markasna ay doorashada ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay.

Doodada Xildhibaanada oo aheyd mid aad u kulul ayaa waxaa codsigiisa taageeray Xildhibaano gaarayo ilaa 10 Xildhibaan oo u badnaa kuwa aad ugu dhow Axmed Madoobe beel ahaan iyo siyaasad ahaan.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa codsigiisa ku adkeystay wuxuuna dhawr jeer ka codsaday Xildhibaanada inay arrintaan u ansixiyaan islamarkaasna kulan arrintaas loogu codeenayo la isugu yimaado.

Gabagabadii kulankan ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo in la diiday codsigii Axmed Madoobe, Waxaa kaloo ilo wareedkeena inoo xaqiijiyeen in Axmed Madoobe ugu hanjabay Xildhibaanada qaar inuu tallaabo ka qaadi doono wuxuuna kulanka ku sigtay in gacanta la isku qaado.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa horey Magaalada Kismaayo uga mamnuucay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo saxaafadda usoo bandhigay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirto iyo musuq maasuq uu Axmed Madoobe wado.

Isku soo wada duuboo Axmed Madoobe oo asalkiisii hore ahaa nin ka tirsanaa A-Shabaab ayaa si awood ah ku qabsaday Jubbaland waxayna ficiladiisa u egyihiin sida kuwa AL-Shabaab oo kale.

Wixii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Axmed Madoobe iyo Jenaral Gabre