TOPNEW:-Musharaxiin xilka madaxweynaha koonfur galbeed u taagan oo gaaray Baydhabo

0

Qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Musharraxiinta tagay Baydhabo waxaa ka mid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Musharrixiin kale.

Sidoo kale Sheekh Abuu Mansuur oo ka mid ah Musharraxiinta ugu cad cad doorashadaasi ayaa la filayaa in Musharraxnimadiisa uu si rasmi ah uga dhawaaqo magaaladaasi.

Qaban qaabo xoogan oo ku aadan doorashada Koonfur Galbeed ayaa ka socota deegaanada maamulkaasi, taas oo lagu wada in la qabto bisha November ee sanadkan.

Ammaanka ayaad loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo gaar ah lagu arkayo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.