SAWIRRO:-Dowladda Soomaaliya o Codsatay in La Ballaariyo wadada diyaaradaha ee Garoonka Aadan-Cadde.

0

Xaflad lagu maamuusaayay sanad guuradii 5-aad ee ay shirkadda Favouri oo ay ka howlgashay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalaada Muqdisho, islmarkaana ay ka qeybgaleen Masuuliyiin ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, taasi oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta munaasabdda ka qeyb galay waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Xirsi Aadan Rooble, Wasiirkii hore ee Gadiidka Siciid Qoorsheel, Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cabdi Askir Jaamac iyo Madax kale.

Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Olgan Beker oo munaasabadaasi kahadlay ayaa sheegay in dadka Turkiga ay ka go’antahay taageerada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho Ashkir Jaamac iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheyl ayaa xusay in mudada ay joogeen wax badan ay ka qabteen shaqada Garoonka.