Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Fariisin Cusub Ka Sameystay Deegaan Ka Tirsan Sh/Hoose

0

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Halhambe oo u dhow deegaanka dhanaane ee Gobolkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa caawa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Halhambe,kadib markii Dagaalamayaasha Al Shabaab ay isaga baxeen Deegaanka.

Sidoo kale Al Shabaabkii kabaxay Halhambe ayaa waxa ay gaareen deegaanka Garab-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad deegaanka Halhambe ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya markii ay qabsadeen Deegaanka ay rideen Madaafiic culus.