Waxa Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxeysa qarax Khasaaro geystay oo la beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Daraawishta ee Maamulka Jubbland oo marayay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Qaraxa oo ahaa Miinada Nuuca Dhulka lagu Aaso ayaa lee bartilmaameedsaday Ciidamada Daraawishta ee Jubbaland, xili ay ka soo amba baxeen Degaanka Buulo gaduud oo ay fariisin ku le yihiin,isla markaana qaraxa uu ku haleeyay xili ay u soo dhawayeen Magaalada Kismaayo.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxa ku Geeriyooday hal Askari,iyadoo sidoo kale uu dhawac soo gaaray mid kale,kuwaas oo la sheegay in ay saarnayeen Gaariga qaraxa uu la leelay,waxaana Askariga qaraxa ku dhaawacmay hadda lagu dabiibaya Isbitaal ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.