Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in duqeymo xoogan oo ay ka fulisay Soomaliya ay ku dishay ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Cirka Ethiopia Yilma Merdassa ayaa xusay in duqeyn qorsheysan oo ay la bartilmaameedsadeen Al Shabaab ay ku dileen illaa iyo 70 ka tirsanaa Al Shabab, sidoo kalena ay ku burburiyeen labo Gaari oo nuuca dagaalka ah iyo Hub, sida uu hadalka u dhigay.
Taliye Yilma Merdassa ma shaacin waqtiga iyo meesha rasmiga ah ee ay fuliyeen duqeyntaasi
Dhanka kale ma jiro wx hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeytan.