DHAGEYSO:- DFS iyo Dowlad gobaledyada oo Heshiis lagu baaqay

0

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa cirka isku sii shareerayey khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Khilaafkaan ayaa sababay in hogaamiyayaasha dowlad goboleedyadu ay si rasmi ah u hakiyaan xiriirka iyo wadashaqaynta kala dhexaysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha daladda ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka ah ee Puntland Faysal Qaran oo warbaahinta Garoowe kula hadlay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah inay heshiiyaan xalna ka gaaraan khilaafka u dhexeeya.