XOG:- Muxuu Salka ku Hayaa khilaafka Ka Aloosan Barlamaanka Galmudug?

0

Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 147 oo kulan ku yeeshay magaalada xarunta u ah maamulka Galmudug ee Dhuus-Mareeb ayaa  u codeeyeen in codka kalsoonida lagala noqdo guddoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, guddoomiyaha oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku gacan saraysay go’aanka barlamaanka.

Guddoomiyaha Kalsoonida lagala laabtay wuxuu ku dooday  in xarunta barlamaanku ay ku taalo Cadaado, kulankaasina uu ahaa mid sharci daro ah. waxaa kaloo shaki la galiyay tiradda xildhibaanada kalsoonida kala laabatay oo la sheegay in la buunbuuniyay iyadoo hore loo ogaa in tiro 89 mudane la sheegay inay mooshin ka keeneen guddoomiyaha maalmo ka hor. xubnaha barlamaanka Galmudug ayaa ka kooban 178 mudane.

Xildhibaanadu, Guddoomiyaha waxa ay ku eedeeyeen inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo, islamarkaana uusan soo xaadirin kulamada baarlamaanka oo hawlo kale uu ku mashquulay.Khilaafka hareeyay Barlamaanka Galmudug waxa uu marayaa heerkii ugu xumaa in muddo ah.

Muxuu Salka ku hayaa khilaafku?

Bidix Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cali Gacal Casir waxay si bareer ah uga soo horjeesteen shirkii Kismaayo iyo go’aankii madaxda maamul goboleedyadu ay xiriirka ugu jareen dowladda federaalka Soomaaliya, Go’aanka kismaayo waxaa qayb libaax ka qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Labada Masuul waxay kaloo ka soo horjeedaan oo diideen heshiiskii dhexmaray Maamulka Ahlusunna Wal jamaaca ee gobolada dhexe iyo Maamulka Galmudug, iyo sidoo kale in caasimadda laga raro magaaladda Cadaado oo haatan iyaga u ah xarun ay degan yihiin.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo maanta shir guddoominayay xubnaha barlamaanka ee Dhuuso-mareeb ku shiray wuxuu  Taageersan yahay Madaxweynaha Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna, wuxuuna sheegay  in maalmaha soo socda ay soo dhisi doonaan guddiga doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Dowladda Federaalka iyo Khilaafka Galmudug

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Galmudug iyo xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu soo jiitamayay 15 bilood ee la soo dhaafay, wuxuuna ka bilowday faragalinta joogtada ee dowladda federaalku ku hayso maamulka sida uu marar badan  uu ku eedeeyay Madaxweyne Xaaf in dowlada Federaalka doonayso inay isbedel maamul ku samayso (Regime change), Waxaa kaloo la sheegaa inuu la xiriiro  go’aankii uu ku taageeray muranka dalalka Khaliijka, waxaa la aaminsan yahay in go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaayo ay batrool ku sii shubeen dabkii markii ka dhex ololayay maamulka Galmudug.

Arrin kale oo loo aanaynayo khilaafka ka dhex-taagan maamulka  Galmudug ayaa lagu sheegaa xiriirka qabiil ka dhexeeya Madaxweynaha Farmaajo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug carabey iyo Ra’isul Wasaare Khayre iyo guddoomiyaha barlamaanka Cali Gacal Casir oo iyagu toos uga amar qaata masuuliyiinta federaalka, fuliyana go’aamadooda.

Si kastaba ha haatee, Khilaafka cusub ee ka dhex oogmay Barlamaanka iyo Go’aankii Madaxda maamul goboleedyadu ay xiriirka ugu jareen dowladda federaalka wuxuu  dhaawici ama dib u dhigi karaa karaa hanaankii dowlanimada iyo maamulka loogu daadejinayay gobolada iyo degmooyinka iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2020ka, waxaa kaloo dib u dhac uu ku keenaya barnaamijkii xukuumada Federaalka ay doonaysay inay kula dagaalanto ururka Alshabaab ee awood badan ku leh koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.