TOP NEWS:- Weraarkii lagu Qaaday Gurigii Aadan Cade oo Wargaysyada Caalamku ka hadleen

0

Wargayska The Guardian ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”ayagoo ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.

Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan “hal qof oo ajnabi ah”.
Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.

Il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay in “bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

Isla qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in ra’iisul wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay “la talin iyo caawin”, ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada Al Al Shabaab ee “Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii 4 Siteembar 2018.

“Hawlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.

Rag hubeysan ayaa cabbado ku furay dad isu soo baxay oo ku sugnaa waqooyiga dalkaasi, kuwaas oo shaneemo u socday, waxayna dileen ugu yaraan 11 qof halka ay dhaawaceen 2o kale, goobjoogayaasha iyo ilaha isbitaalka ayaa sidaasi u sheegay BBC.

Weerarka ayaa waxaa Arbacadii gobolka waqooyi-galbeed dalkaasi ku yaalla ee Zamfara ka fuliyay burcad laga shakisan yahay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in kuwa weerarka soo qaaday ay lug ku yimaadeen xaafadda Badarawa. Kaddibna waxay u jiheysteen hoolka xaafadda oo loo ayqaanno halka wax lagu daawado, halkaas oo dadka deegaanku ay isugu soo ururaan habeenkii si ay filin ama cayaaro ugu daawadaan.