Shabaab oo sheegtay inay dileen sarkaal ka tirsanaa Millatariga

0

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen weerar qorsheysan oo ka dhacay shalay gelinkii dambe degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho inay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen weerarkaasi inay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Millatariga Soomaaliya, islamarkaana ay qaateen qori iyo bastoolad uu watay.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ceelasha Biyaha lagu dilay sarkaal ku labisnaa dareeska ciidanka Millatariga, kadibna ay baxsadeen raggii dilka geystay, kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka dowladda.

Ciidanka ammaanka ayaa saakay hawlgallo baaritaano ah ka wada goobta lagu dilay sarkaalka ka tirsanaa ciidanka dowladda, waxayna ku raad joogan dableyda weerarka geysatay.

Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho ee ay la beegsanayaan ciidanka dowladda.