Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kormeer Ku tagay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

0

Kormeerkan oo ahaa mid Shaqo ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu ku tegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho oo ka mid ah Ilaha Dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kormeeray Goobaha Shaqooyinka Garoonka ay ka socdaan sida,qeybta ay ka dhoofaan dadka aada Gobolada dalka,qeybta dadka u dhoofaya dibada iyo xafiiska Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ay ku leedahay garoonka.

Maareyaha Garoonka Cabdi Ashkir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka kormeerka ee Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa in uu xog-wareysi la yeesho dadka loogu adeegayo Garoonka iyo in ay caqabado la kulmaan xilliyada Shaqooyinka loo qabanayo.

Waxa uu sheegay sidoo kale in ra’iisul Wasaaraha indhihiisa ku arkay howlaha horumarka ah ee ka socda Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magalada muqdisho.