Nabadoono Horleh oo ku baxay Xisadii Coladeed ee deegaanka Mayle ee degmada Jariiban gobolka Mudug

0

Kadib markii ay qalo dhaan keeneen Odayaal dhowr ah horay ugu baxay Miyiyga deegaanka Mayle ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayey qaylo dhaan xoogleh ka keeneen miyigii ay aadeen kadib markii la diiday Hadalkooda.

Odayaal horleh oo ka Culus Ragii horay ugu baxay deegaankaasi ayaa maanta markale ka baxay degmada Jariiban ee gobolka Mudug Mudug si ay u kala dhexgalaan dadka reer Guraaga ah ee Colaadoodu kasoo cusboonaatay Miyiga degmada.

Maamulka Degmada Jariiban ayaa dhankooda wadda dadaal lagu joojinayo Coladaasi iyagoo sidoo kale diyaariyey Ciidamo ka socda degmada kuwaasoo kala dhexgalaya Beelahaasi.

Xaalada Deegaanka Mayle ayaa xiligan degen waxaana socda Diyaar Garow Hub urursi oo u dhexeeya Beelaha iyagoo sidoo kale ay ku kala tageen Daaqsintii iyo Biyihii.