Maamulka Jubbaland oo sheegay inay Qabteen rag katirsan Alshabaab

0

Shir Jaar’id oo ay si wada jir ah u qabteen saraakiil ka tirsan Wasaaradda aminga ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Bardheere ee Gobalka Gedo ayaa lagu sheegay inay gacanta lag dhigay rag ka tirsanaa ururka Alsahbaab, sidoo kale Dadka wada shaqaynta la leh Al-Shabaab ayan ku noolaan doonin degaannada Jubbaland.

Cumar Ibraahim Aadan, Madaxa Maaliyadda ee Maamulka Degmada ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay Gacanta ku dhigeen Shan Qof oo ka mid ahaa Labo shabakadood oo Malleeshiyada Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhanka dilalka iyo qaraxyada.

Wasiiru Dowlaha amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa hoosta ka xarriiqay in wixii Maanta ka dambeeya ayan Odoyaasha degaanku shir u aadi karin goobaha ay joogaan Al-Shabaab, cidii ammarkan ka dhega adaygtana ayan dib ugu soo laaba karin Magaalada Baardheere.

“Waxaan ku guuleysanayay in aan gacanta ku dhigno Labo shabakadood oo kala ah kuwa Madax jebiska u qaabbilsan iyo kuwa qaraxyada maleega, waxa ay qirteen inay falalka loo heysto ay ka fuliyaan gudaha Baardheere, haatan waxaa la marsiin doonaa waxa uu sharciga ka qabo” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga.

Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu dhawaaqay  ammarro kuwan la mid ah oo ay kusoo rogeen qaar ka mid ah Dadka xiriirka la leh Al-Shabaab, taas oo wax badan ka beddeshay ammaanka degaannada Jubbaland.