DHAGEYSO:- Tulooyin hoosyimada Burtinle oo laga waddo la dagaalanka Xaalufka

0

Shacabka deegaanka tuulada Godobyar oo 28 km galbeed ka xigta magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa wada dagaal ka dhan ah xaalufinta lagu hayo dhirta qoyan, ugaadha iyo qashin laga keeno degmada Burtinle oo la geeyo deegaankaasi.

Guddoomiyaa tuulada Caarif cabdalle oo la hadlay Warbahinta isaga iyo odayaasha deegaanka ayaa sheegay dhibaatooyin badan in lagu hayo deegaanka, iyagoona xusay shacabka deegaanka oo is hubeeyey inay deegaankooda ka difaaci doonaan dhibaatooyinka dhirta la jaro, qashinka iyo u gaadha, waxaana ay u digeen dad arrinkaasi ku howlan, iyadoo howlgal ay fuliyeen dadka deegaanka uu fashilmay inay gacanta kusoo dhigaan dad arrimahaasi gacanta kula jiray.