DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Amar Dul-Dhigay Golihiisa Wasiirada

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ku amray golihiisa Wasiirada inaysan heshiisyo Caalami ah gelin,iyada oo aan lala socodsiin Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo ama Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya.

Kulankii shalay ee golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.