Ciidamo Ka Tirsan Kuwa AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Shabeelaha Dhexe

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxan oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in Askar ka tirsan kuwa Burundi lagula bartilmaameedsaday inta u dhexeysa degmada Jowhar iyo deegaanka Buurane ee gobolkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhinaca kale  Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku gubeen Gaari nuuca dagaalka ah, sidoo kalena ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac gaarsiyeen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.