Akhriso:-Rasaas Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Degmada Jalalaqsi

0

Inta la ogyahay 1 Qof oo Rayid ahaa ayaa dhintay, halka mid kale uu ku dhaawacmay, kadib markii Rasaas ay ku fureen Ilaalada mas’uul  cusub oo la sheegay in loo magacaabay maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Shaqaaqadan ayaa timid, kadib markii ay murmeen mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka ku iibiya degmadaasi iyo Ciidamada Rasaasta furay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee la sheegay in dhawaan xilka laga qaaday Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdadaasi.

Guddoomiye Fiidow ayaa sheegay in dhibaatadaasi ay geyteen Askar  ilaalo u ah mas’uul  sheegtay, sida uu tilmaamay in loo soo magacaabay degmadaasi.