TOPNEWS:-Xildhibaanno mooshin ka wada shariif Xasan oo sheegay in dil loogu hanjabay

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in dil uu ugu hanjabay Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed.

Xildhibaannadan oo la baxay kuwa isbeddel doonka ee degaannada Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in  Wasiirka Garsoorka ee Maamulkaasi uu dil ugu hanjabay haddii aysan joojin mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Iyaga oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayey sheegeen in tiradooda ay gaareyso 91 Xubnood,kuwaas oo saxiixay mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Wasiirka Garsoorka Koofur Galbeed ayey ugu baaqeen in uusan Xildhibaannada ku faragelin arrimaha shaqadooda quseeya islamarkaana uusan isku dayin in uu handadaad ku sameeyo XIldhibaannada.