SAWIRRO:-Soomaaliya iyo Finland oo isku afgartay in la xoojiyo Xiriirka Ganacsiga.

0

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka Ganacsiga ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo  Booqasho ku joogaa dalka Finland ayaa waxaa uu  la kulmay Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta ee dalkaasi  Ms Anne-Mari Virolainen.

Labadan masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen in la xoojiyo xiriirka Ganacsi iyo maalgashiga   ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, iyo in Shirkadaha labada wadan ay yeeshaan Ganacsi Wadaag.

Sidoo kale Waxyaabaha kale ay isku afgarteen  ayaa waxaa ka mid ah in la isdhaafsado Cilmiga iyo Technology-yada Ganacsiga, Wershadaha iyo wax soosaarka kheyraadka Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale waxaa ay kulan  la qaateen shirkado iyo Maalqabeeno danaynaya in ay maalgashadaan Soomaaliya.