Guddoomiye Mursal “Ciidanka booliska waa Indhaha sharciga”

0

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xarunta Jeneraal Kaahiye kaga qeyb galay kulan lagu dhiira gelinaayay dhalinyaro ku soo biirtay ciidanka booliiska Soomaaliya oo tababar u socda.

Guddoomiyaha kulanka waxa kala qeyb galay oo ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano.

kusimaha taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ahna taliye kuxigenka ciidanka S/guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa guddoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay ku soo dhaweysay xarunta Jeneraal Kaahiye.

“Mudane guddoomiye ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa sharaf weyn u ah inad maanta kala qeyb gasho kulanka khamiislaha oo ah kulan lagu dhiira geliyo dhalinyarada ku soo biirta ciidanka, runtii wada shaqeyn wanaagsan ayaa naga dhaxeyso waxaan rajeynayaa inad sii xoojiso maadaama adigu aad ka mid ahayd ciidamada qalabka sidda, wax badana aad ka fahansan tahay arrimaha ciidanka”. Ayay tiri S/guuto Zakiya Xuseen.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la dardaarmay dhalinyarada tababarka u socdo iyo saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Waxan ku faraxsanahay inan maanta halkaan idiinla joogno oo aan aragno qaabka aad tababarka u qaadaneysaan iyo xaaladaha aad ku sugan tihiin, ciidanka booliiska Soomaaliya waa indhaha sharciga, waxa aaminsanahay golaha shacabka inad qeyb weyn kaga jirtaa sugidda amniga”. Ayuu yiri guddoomiye Mursal.

“Waxa aan idin kula dardaarmaya inaad ka shaqeysaan kala dambeynta, sareynta sharciga, ixtiraam dhexdiina ah iyo inad u dulqaadataan daruufaha jira si uu u guuleysto ciidanka booliska Soomaaliya”. Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.