Mashruucii dhismaha jidka laamiga ah ee iskuxira magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, qaybtiisa u dhaxaysa Jalam iyo Xarfo ayaa haatan meel gabogabo ah maraysa, kadib markii ay horay u idlaatay wajigiisii garaacidda iyo ku gujaynta carrokaawada.
Mashruucaasi oo qorshihiisu yahay in uu ebyo masaafo jid oo gaaraysa 80km, ahna inta u dhaxaysa magaalooyinka Jalam iyo Xarfo, ayaa gelinkii dambe ee shalay ayaa si rasmi ah loogu bilaabay 40km oo ka mid ah laami-saaridda, taasoo ah inta u dhaxaysa degmooyinka Buurtinle iyo Xarfo.
Wajiga cusub ee jidkaasi kalabar ka mid ah uu hadda galay oo ah wajiga kama dambaysta ah ee laami-saaridda, ayaa baal cusub furaysa, meeshana ka saaraysa baqdin laga qabay baaqasho soo wajahda dhismaha waddadaasi, kadib markii mid ka mid ah dhinacyadii dhaqaale ku bixinteeda ay ka baxday mashruuca, taasoo ahayd hay’adda GIZ ee Jarmalka laga leeyahay.