War Culus Itoobiya oo War kaso soortay Jirdil Loo gaystay Cabdi Maxamud Cumar

0

Maanta ayaa Xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar labaduba waxa ay sheegeen in xasbiga lagu jir dilay,isla markaana xaaladiisa ay tahay mid aan wanaagsaneyn balse waxaa hadalkaas ka jawaabtay dowladda Itoobiya.

Taliyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal wuxuu BBC u sheegay “inay been tahay. Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan ayuu yiri”.

Isagoo ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale ayuu yiri Jeneraal Zeyinu Jemal “Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey.