Prof Gaandi oo si kulul uga hadlay Khilaafka DFS iyo Maamul gobaledyada

0

Kadib Warmurtyeedkii ka soo bqxay shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa soo baxaya kala ragti duwanaansho ka dhalatay qodobadaa ka soo baxay shirkaas ,kaas oo u dhaxeeya Xildhibaanada Federaalka iyo Siyaasiyiinta qaarkood.

XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku howlan tahay duminta Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,isla markaana ay jeceshaya in dowladdu inay Madaxda Maamul goboleedyada ula dhaqanto sidii inay yihiin guddoomiyeyaal degmo.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay inay meesha ka baxday inay wadatashi kala sameyso Go’aano kasta oo ay gaareyso Madaxda Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada,waxana uu shaaciyey in wax walba oo ka dhasha Go’aankii shirka Kismaayo ay eedeeda qaadaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Geba gabadii XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi waxa uu sheegay in warkii maalmo kahor Kismaayo ka sheegay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(madoobe) ee ahaa in dowladda qalqal gelin amni ka wado deegaanada Jubbaland uu yahay mid dhab ah.