Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan oo Weerar ku qaaday Degaanka Mubaarak.

0

Wararka Ka imaanaya degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo Kuwa Mareykanka ay weerar ku qaadeen saldhiyo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degaankaasi.

Dadka Degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Diyaarado ay la socdeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ay ka degaan degaanka,islamarkaana ay ku dhex lugeeyeen degaanka Mubaarak, iyagoona kadib weeraro ku qaaday saldhigo Shabaab ay kaga sugnaayeen degaankaasi.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab,islamarkaana saacadaha Soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan weerarkaasi ay qaadeen ciidamada xoogga iyo kuwa mareykanka.

Dhanka War ay daabaceen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.