Ciidamada AMISOM ayaa tiro Madaafiic ah ku garaacay Deegaanka Bariirre oo ay maamulaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaafiicda ayaa ku dhacday Saldhigyo Shabaab ay ku leeyihiin Bariirre iyo xaafado dad rayid ah ay degan-yihiin.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda, balse Illo Deegaanka ayaa KNN u xaqiiyay in tiro ahaan ay hoobiyaasha ay ka badnaayeen Shan Madfac.
Shacabka ku dhaqan Bariirre ayaa cabsi ay la soo deristay intii ay Magaalada Duqeynta ku socotay.
Xaalada ayaa degan waxaana si caadi ah u shaqeynaya Dhaq dhaqaaqyada Magaalada sida Ganacsiga, waxbarashada iyo isku socdka dadka.