Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad ka jeedinayay furitaanka Kal-fadhiga afaraad ee Golaha Shacabka BFS ayaa ka hadlay qorshayaasha dowladdiisa haatan u dagsan iyo qaabka lagu maareynayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in DFS ay dardar galineyso nidaamka federaaliisamka iyo dhameestirka Dastuurka dalka, si dalkan ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale Madaxweynaha JFS ayaa carabka ku dhuftay in dowladdu ay hormaro kala duwan ka gaartay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay ka faa’iideysiga kheyradaka dalka.