Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa fashiliyay qarax Miino oo lagu aasay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho xiliga ay shacabku inta badan suuqa ka adeegtaan
Qaraxan ayaa la sheegay in lagu aasay Waddada dhinaceeda, iyadoona ay qarxiyeen Ciidamada Boolisku, gaar ahaan kuwa Miino baarista.
Guddoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir C/kariin Cali Kaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaraxaasi.