Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya,kaasi oo ku aadanaa in xisaabcelin laga rabo madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Waxa uu sheegay in ay aad u fiicnaan laheyd in dowladda ay wax bixiso islamarkaana xisaabtanto,isagoo tilmaamay in baraha bushada ay ku arkeen warqad Wasaaradda Maaliyadda ka socotay.