Maleeshiyaad ku dul dagaalamay Markab ku soo caariyay Galhagoog

0

Wararka aan ka heleyno degaanka Galhagoog oo 270-KM dhanka Bari magaalada Gaalkacyo uga beegan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaalameen maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ay isku qabsadeen cida la wareegeysa Markab xamuul oo weyn, kaasi oo maanta ku soo caariyay xeebta Galhagoog oo u dhaw Budbud.

Waxaa la sheegay is rasaaseynta dhinacyadan dhexmartay inuu ku dhintay qof, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Markabka ay gacanta ku hayaan qeyb ka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay.

Taliye ku xigeenka booliska Galmudug iyo ciidan uu horkacayo ayaa ku sii jeeda degaanka Galhagoog, si ay u xaliyaan xaalada meesha ka taagan.