Iyadoo ay Soo baxayeen Warar Hoose Oo Sheegayey In mas’uuliyiin ka Tirsan Jamhadda ONLF Ay Ku Wajahn Yihiin Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Ayaa Arrinkaasi Waxaa ka Hadlay Xubno ka Tirsan Hoggaanka ONLF.
C/qaadir Xasan Hir-goome Afhayeenka Jamhadda ONLF Oo Isaga Oo Ku Sugan Magaalada Addis-Ababa Wareysi Siinayey Warbaahinta Ayaa Waxa Uu ka hadlay Wararka Sheegaya In Muqdisho Ku Wajahan Yihiin Mas’uuliyiin Sare Oo Ka Tirsan ONLF.
Waxa Uu tilmaamay In Muqdisho Ay Tahay Caasimadda Dalka Soomaaliya Isla-markaana U Furan Tahay Cid kasta Oo Soomaali Ah balse hadda Aysan Socod Muddeysan Oo Ay Ku tagayaan Magaalada Muqdisho
Sidoo kale Afhayeen Cadaani Waxa Uu hoosta Ka Xariiqay In Ku rajo weyn Yihiin In gaaraan Magaalooyin Badan Oo Ku Yaal dalalka Soomaaliya Iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Iyo Meel Kasta Oo Soomaali Ku Nooshahay.
Dhinaca kale afhayeenka Jamhadda ONLF Waxa Uu Ka Hadlay Isla-markaana Soo Hadal Qaaday Kulankii Magaalada asmara Ay Ku Yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo Iyo Guddoomiyaha Guud Ee Jamhadda Isagoona Tilmaamay In Ay Ku Heshiiyeen Is-Afgarad Guud.
Waxyaabaha Ay isku Af-garteen Ayuu Waxa Ku Sheeay In Ka Mid yihiin Sidii Loo Mideyn Lahaa Shacabka Geeska Africa Iyo Sidii Soomaalida Looga Saari Lahaa Bur-burkii Iyo Kala Qo-qobnaantii Soomaalidu Ku Jirtay 27-kii Sano Ee U dambeysay.