Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hor inta uusan shalay ka soo ambabixin magaalada Asmara ee dalka Eritrea la kulmay Guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta ONLF Maxamed Cumar Cusmaan iyo Xoghayaha Guud C/raxmaan Mahdi.
Kulankan ayaa ahaa kii labaad oo Madaxweyne Farmaajo la qaato Hoggaanka Ururka ONLF ee fadhigooda yahay magaalada Asmara, iyadoo 30-kii bishii July markii uu booqashadiisa u horeysay Eritrea ku tagay la kulmay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Guddoomiyaha ONLF sidii ay uga qeyn qaadan lahaayeen dadaalada loogu jiro nabadda iyo Horumarka Gobolka, isla markaana la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.
Ilo wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ku casuumay Guddoomiyaha ONLF iyo xubnaha ururkiisa inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli cudur daar rasmi ah ka bixin tallaabadii ay Itoobiya ugu gacan gelisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Sanad ka hor ayay aheyd markii qaraar ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku tilmaameen in Ururka ONLF uu yahay Urur Argagixiso, kaddib dhiibitaankii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.