Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Rag Lala Xiriirinayo Al Shabaab

0

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ku qabtay 2 nin oo ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab.

Xiriiriyaha Booliska ee gobolkaasi Maxamed Birik oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labadaasi nin laga soo kala qabtay magaalooyinka Ijara iyo Libio ee maamulka Gaarisa.

Waxaana sidoo kale uu sheegay in ay yihiin muwaadiniin Kenyaan ah, kuwaasi oo ka yimid maamullada Gatundu iyo Kiambu, islamarkaana mid ka mid ah uu ka yimid Yurub .

Sidoo kalen Mr Birik ayaa intaasi ku daray in ay ku qabteen Lacag gaareysa 34 kun oo Dollarka Mareykank ah iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin Kaamirooyinka habeenkii wax duuba.