SAWIRRO:-Xildhibaanada Golaha deegaanka Boosaaso oo maanta la dhaariyey

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa dhawaan waxaa wasaarada arimaha gudaha ay shaacisay Liiska 31 Xildhibaan oo noqonaya xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Boosaaso.

Maanta ayaa magaalada Boosaaso lagu dhaariyey xildhibaanadii Cusub ee golaha deegaanka degmada Boosaaso kuwaasoo sidoo kale dhawaan dooran doonaha gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.

Maalinta Barri ah ayaa wasaarada arimaha gudaha dawlada Hoose iyo Hormarinta Reer Miyigu waxay balamisay Xildhibanada golaha deegaanka si ay u dhacdo Doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee degmada Boosaaso.